Hot Topics

Puntland oo kordhisay Canshuurta badeecadaha ka yimaada Somaliland (Akhriso)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Canshuuro dheeraad ah ku rogtay Badeecadaha ka yimaada Degaanada Maamulka Somaliland, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay Degaanada Puntland kusoo badanayeen badeecaha ka yimaada Gobalada Waqooyi.

Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu amray Xisaabiyaasha iyo Maamulayaasha Dakhliga ee Gobalada Sool, Sanaag iyo Karkaar in 200% ay Canshuuraan Badeecadaha aan daruuriga aheyn ee ka yimaada Degaanada Maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa amray in 100% ay Canshuuraan Badeecadaha Daruuriga ah eek a yimaada Gobalada Waqooyi.

Qoraalka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa imaanaya xilli dhowaan Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Puntland ay sheegeen inuu hoos u dhacay Dakhliga Puntland, Iyagoona sabab uga dhigay arrimo ay kamid tahay badeecaha ka yimaada Somaliland oo aan si dhameystiran loo canshuurin.