Hot Topics

Shirka looga hadlayo Shaqo abuurka dhalinyarada oo ka furmaya Garoowe

Shir u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa iyo Wasiirada Wasaaradaha Shaqada ee Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta ka furmaya Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirka oo ay marti-gelisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland, ayaa looga hadlayaa Arrimaha Shaqa Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Shirkaasi oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).

Gaba-gabada Shirkan ayaa la filayaa in laga soo saaro War-murtiyeed ku saabsan Qodabadii looga hadlay iyo waxa ay ku heshiiyeen dhinacyadu.