Hot Topics

Howlgallo culus oo saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka ammaanka Maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada helayo koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii xalay lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ciidamada amniga ayaa howlgalkooda ka wada wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar ee Koonfurta Magalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in howlgalkaas ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka.

Howlgalka ayaa saakay waxaa uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga kala duwan ee Magalada Gaalkacyo, waxana weli wax faah faahin ah kasoo bixin howlgalladaas Ciidamadu ka wadaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Koonfurta Magalada Gaalkacyo oo uu Maamulo Maamulka Galmudug waxaa ay ku dileen Suldan Cabdulahi suldaan Cabdiraxmaan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Bilihii u dambeysay waxaa aad u xumaaday Ammaanka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxana lagu dilay Laba Sarkaal oo ka kala tirsanaa Nabadsugida Galmudug & Qaramada Midoobay.