Hot Topics

Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay dil ka dhacay Gaalkacyo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

“waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba inta badan Shacabka kala duwan eek u nool Magalada Gaalkacyo ayaa aad uga walaacsan amnidarrada kusoo korortay Magalada, iyaga oo aad uga xumaaday dilka xalay loo geystay Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug.