Hot Topics

Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo uu shir gudoominayey Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, laguna qabtay Aqalka martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, doorshooyinka Jubbaland iyo qodobo kale.

Shirka oo inta badan ay galaha wasiiradu goobjoog ahaayeen ayaa Madaxwayne ku-xigeenku waxaa uu golaha uga warbixiyey safarkii uu dhowaan Kismaayo ku yimid wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasi oo kulamo la qaatay Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Guddiga doorashada Jubbaland kulamadasi oo Madaxwayne ku-xeenku golaha u sheegay in ay is afgarad ku soo dhamaadeen.

Sidoo kale shirka waxaa warbixinno looga dhegaystay Wasaaradaha Amniga Arrimaha gudaha iyo Kalluumaysiga.

Ugu horayn Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixisay xaaladda amni ee deegaanada Jubbaland, iyadoo golaha sharraxaad ka siisay arrimihii ugu dambeeyey ee qarixii ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ayaa warbixin laga dhagaystay, waxayna wasaaraddu soo bandhigay horumarro laga sameeyey mashaariic dhanka kalluumaysiga ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland ayaa faah faahin ka bixisay arrimaha doorshooyinka iyo halka ay marayaan, waxayn wasaaraddu sheegtay in arrimaha doorashooyinku ay ku socdaan si habsami leh.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Eng. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa markii shirku soo dhamaaday warbaahinta uga warbixiyey arrimihii shirka looga dooday iyo fulinta qorshayaashii ka soo baxay.