Hot Topics

VIDEO: Guddoomiye Mursal “Waan aaminsan-nahay inay dhacdo doorash qof iyo cod 2020”

Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/21, iyadoo aan muuqan diyaar garow loogu jiro sidii doradsho qof iyo cod dalka loogu qaban lahaa.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inay dadaal galinayaan sidii doorasho dalka uga dhici leheyd, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dalka ka qabsoonto doorasho ka duwan tii dadbaneyd ee qabsoontay sanadkii 2016.

“Annaga waxaan Juhdi weyn ku bixineynaa 2021 doorasho iney dhacdo, kan waxaan ku raja weynahay inay dhacdo waana wadnaa howshaas, guddi doorashaa la sameeyay, Dastuurka waxaan rabnaa in sanadkaan intuusan dhamaan gabagabeyno, waliba doorasho tii ka duwan aynu sameyno” ayuu yiri Mursal oo wareysi siiyay telefishinka Horn Cable TV.

Ugu dambeyntii, Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursa l Sheekh C/raxmaan, ayaa axsaabta Siyaasada ee dalka ka jira ka dalbaday iney u diyaar garoobaan sidii ay doorashadaas qeyb uga noqon lahaayeen, wuxuuna tilmaamay inuu si aad ah u aaminsan yahay inay dalka ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod, maadaama hore loogu balamay.