Hot Topics

Video:-Deni iyo Karaash oo kulmay ugu danbayntii

Guud ahaan madaxda ama siyaasiyiinta Somalida waxay caan ku yihiin in aysan oofin balanqaadyada ay sheegaan xiliyada ay u ordayaan kuraasta.
Axmed karaash waxuu ka mid yahay kuwaas ay hadaladoodu marka danbe Xujo ku noqdaan.


Xiligii olalaha doorashada karaash waxuu balan qaaday hadiiba ay dhacdo in ay si qabtaan Madaxweynaha uu la shaqaynayo aysan banaanka usoo bixi doonin.


Maalmo ka hor ayay ahayd markuu saxaafada la wadaagay khilaaf xoog leh oo dhex yaal isaga iyo Madaxweyne Deni,waxuuna si cad uga hor yimdi Gudiyo iyo go’aamo Madaxweynuhu soo saaray.


Karaash,ayaa caradiisa waxay ku salaysan tahay dhawr arimood oo laga xusi karo..


1.Dhaqaale yari uu tabanayo.
2.Agaasimyaal Waaxeedyo uu magacaabay oo socon waayay.
3.Gudiga doorashada oo ku doodayo in uu xaq uleeyahay magacabista labada Xubnood ee Dhulbahante.

Ugu danbayntii Karaash iyo deni waxay kulmeen habeen hore waxayna xoguhu sheegayaan in ay wax badan isla fahmeen.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka