Hot Topics

DFS oo amartay diyaaradaha ka yimaada, kuna socda Kismaayo inay maraan Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada, ama ku socda Kismaayo ay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Go’aankan oo kasoo baxay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in uu la xiriiro hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo.

Tallaabadan ayaa u muuqata miday dooneyso Dowladda Federaalku inay culeys ku saarto Dowlad Gobaleedka Jubbaland, oo horey Masuuliyiinta DFS uga mamnuucay Kismaayo intii lagu jiray doorashadii Axmed Madoobe. , balse shalay dib ugu fasaxay Degaanadooda.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya inay dooneyso Dowladda Federaalku inay ku carqaladeyso caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo, ayna ka qeyb geli doonaan wafuud ka socota dowlad goboleedyada, kuwa ka socda dalalka deriska, gaar ahaan Kenya iyo madax hore inay ka qeyb galaan.