Hot Topics

Cumar Filish oo maanta kormeeray xarumo muhiim ah (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), ayaa maanta kormeeray Xarunta waaxda dabdamiska ee dowlada hoose Xamar oo kamid ah waaxaha ugu muhiimsan ee dowlada hoose, isagoo u kuur galayay sida ay u howl galaan howl wadeenada waaxdaasi iyo baahiyaha ka jira adeegayada la xariira gurmadka degdega ah ee dab-damiska

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish oo lahadlay madaxda iyo shaqaalaha waaxda dabdamiska iyo waaxda gaadiidka gobolka Banaadir isagoo ku bogaadiyay howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan bulshada caasimada ku dhaqan isagoo intaas kudaray in maamulkiisa uu wax kaqaban doono baahiyaha ay soo gudbiyaan waaxahaasi.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xarunta gaadiidka dowlada hoose hoose Xamar iyo xarunta wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed halkaasi oo kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee Wakaalada dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyadoo kormeerka ay qeyb ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee gobolka.

Masuuliyiinta ayaa kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaruntani oo ay kamid tahay warshadii dhismaha iyo qeybta farsamada kuwaas oo u baahan dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyo si loo xoojiyo mashaariicda lagu horumarinaayo dib-udhiska Caasimada.