Hot Topics

Guddiga dhismaha Golaha Degaanka Goldogob oo la kulmay Waxgaradka (Sawirro)

Gudiga Dhismaha Iyo soo xulista Golaha deegaanka Degmada Galdogob oo kulan laqaatay Waxgaradka iyo odayaasha Degmada Galdogob.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Arrimaha Soo xulista Golaha deegaanka Degmada Galdogob, iyo sidii odayaasha doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen sharuudaha laga rabo in lagusoo xulo xubnaha xildhibaanada kamid noqonayo Golaha deegaanka.

Gudiga dhismaha Golaha deegaanka Degmada Galdogob, waxaa hogaaminaya wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta cabdiweli Mire Xirsi, oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Gobalka Mudug, xildhibaana katirsan Puntland, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland, agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, agaasimaha waaxda jinsiga iyo xaquuqul insaanka wasaaradda hormarinta haweenka, iskuduwaha wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug.