Hot Topics

Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Beydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo halkaas ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiusa.

Ujeedada safarka Ra’iisulwasaare Kheyre ee Beydhabo ayaa la sheegay inay la xariirto arrimo kala duwan oo uga weyn tahay amniga iyo dib u habeynta Ciidamada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa la filayaa in dhowr cisho ku sugnaado Magaalada Baydhabo, Iasgoon kulamo la yeelan doona Waxgaradka iyo Shacabka Degaanada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Mr. Kheyre ayaa la filayaa inuu safaro ku tago deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ee amnigooda gacanta lagu haayo.

Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maamulka koowaad ee si dhow u taabacsan dowladda Federaalka, marka loo eego maamulada kale ee dalka ka jira, waxaana lagu xusuustaa kaalintii ay ku laheyd doorashadii Koofur Galbeed ee dhacday bishii December ee sanadkii hore iyo doorashadii C/casiis Lafta Gareen oo ahaa Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre