Hot Topics

Dooni urarnayd ganacsato reer Puntland oo ku degtay Cumaan

Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qaaday Dekeda ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay in ay ku degtay xeebaha Badweynta Hindiya.

Doonidan oo laga lahaa dalka Hindiya,ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cumaan.

Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti fara badan.

Hantida lagu khasiray Doonidan,ayaa lagu sheegay in ay ka badan tahay Toban Milyan oo dolar.,iyadoo ku degtay meel ku dhwo isla Dekeda Salalah ee ay kaoso shiraacatay markii hore.

Inta badan ganacsatada Puntland ee isticmaala Doonyaha Hindidada,ayaa la kulma khasaare baaxad weyn sanad walba.

Dowlada Puntland oo dadaal ugu jirta sidii ay Dekeda Bosaso ugu heli lahayd balaarin looguna dari lahaa qayb ay kusoo xiran karaan Maraakiibta,ayaa heshiis la gashay shirkada DP WORLD ee laga leeyahya dalka imaaraadka Carabta,taasoo la filayo in sanadka danbe ay bilowdo dhismaha Dekeda.