Hot Topics

Golaha Dhexe Dilmuquraadiga Soomaalida oo soo saaray War-saxaafadeed+Akhriso

Iyadoo qayb ka ah isbadalka guud ee kahana qaaday wadanka, xisbigu wuxuu shirwaynihiisii 10aad dib u habayn ku sameeyay qaabdhismeedkiisa iyo qaybo ka mid ah xeer-hoosaadkiisa si uu usuuragaliyo in si dag dag ah looga jawaabo baahiyaha faraha badan ee shacabkeena ee mudada dheer isa soo biirsanayay.

Taasi waxay sahashay in mudadii lixda bilood ahayd ee ina dhaaftay guulo lagasoo hooyo dhinaca siyaasada iyo horumarkaba.


Sidaas ooy tahay, waxaan indhaha laga qarsan Karin in wali ay jiraan caqabado badan oo hor taagan sidii xawli loogu dhaqaajin lahaa hawlaha horumarka iyo maamulka suuban ee deegaankeena.

Si hadaba loo qiimeeyo wax qabadkii xisbiga iyo xukuumada ee sadexdii bilood ee ina dhaaftay loona jihooyo waxyaabaha ay tahay in xooga la saaro bilaha fooda inagusoo haya, golaha dhexe ee XDS waxa uu qabsaday shirkiisii caadiga ahaa ee 2aad oo socday 13-14 ka bisha Diqimti 2012.
Kulanak labaad ee caadi