Hot Topics

Mashruuca Xooga Korontada Genale Dawa Ee Itoobiya oo gabagaba maraya

Genale Dawa III hydropower project ee ku yaala Koonfur-Bari Itoobiya oo dhawaan shaqo galaya.

Sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Agaasimaha Wakaalada Xooga korontada Itoobiya (Ethiopian Electric Power (EEP) Dr. Abraham Belay,

Mashruucan oo ay ku baxday lacag dhan $451,ayaa 99% ldiyaar u ah in uu shaqo galo laba bilood gudahood.

$67.8m oo lacagta ku baxday Mashruuca Korontada Ee Genale Dawa waxaa fulisay Dowlada Itoobiya,halka inta soo hartayna ay ku heshay Dayn.

Mashruucan Genale Dawa III waxuu bilowday diyaarintiisu 2010,waxaana Joogiisu dhan yahay 110 meter halka dhererkiisu gaarayo 426 meter,halka awoodi qaadistuna ay tahay 2.5 billion cubic meters oo Biyo ah.

Mashruucan,ayaa hakad galay mudo ka badan hal sano,kadib kacdoono xoog badan oo ka yimid Dadka Deegaanka,basle ugu danbayn xal loo helay.

Mashruuca,ayaa looga gol leeyahay in kor loogu qaado ilaa 4,514MW xooga Korontada Itoobiya kaasoo hada gaarsiisan 4,260MW,waxaana hirgaliyay Shirkada Shiinayska ah ee loo yaqaan ‘(China Gezhouba Group).

Itoobiya,ayaa awoodeeda Korontoda ka dhalisa inteeda badan Biyaha,waxayna hada wadaa qorshayaal balaaran oo ay kor ugu qaadayso,kuwaasoo gaarsiisan in ay awood uyeelan karto ka iibinta awooda Korontoda Dowladaha Gobolka.