Hot Topics

Saddex Dal oo ka aamusay muddo kordhinta Cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay  ku yeesheen Magaalada New York ee Dalka Mareykanka,waxaana ay ugu codeeyeen in la kordhiyo muddada cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya.

Cunaqabateyntan ayaa la xiriirta Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya,waxaana Goluhu ku kordhiyay muddo hal sano ah.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ku daray Cunaqabateynta Waxyaabaha Kiimakada ah ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegeen Guddiga qaabilsan arimaha Soomaaliya in laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Qaraarkan lagu sii kordhiyay Cunaqabateynta Saaran Soomaaliya Waxaa gudbisay Dowladda UK waxaa ka aamusay Dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea ka dib markii ay sheegeen in ay ku jiraan waxyaabo Xadgudub ku ah Xuquuqda Aadanaha.

15 dal  ee Golaha amaanka ayaa sidoo kale cambaareeyay Hubka iyo rasaasta sida sharci darrada ah loogu dhoofiyo Soomaaliya ee xadgudubka ku ah Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.