Hot Topics

Al-Shabaab oo la wareegtay Degaanka katirsan Gobalka Sanaag

Wararka naga soo gaaraya Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa sheegay in Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay la wareegeen Degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe.

Dagaalamayaashan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalllame, ayaa kasoo degay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhufeysyo dagaal ka sameysteen Degaanka Gacan-Maroodi oo ah mid istiraatiiji u ah isku xirka Gobalka, waxaana jirta cabsi laga qabo weerar ay ku qaadaan Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag.

Qabsashada Degaanka Gacan-Maroodi ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysay xilli Kooxdu ay jimcihii weerar kusoo qaaday Saldhiga Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Degaanka Af-Urur ee Gobalka Bari, wallow ay dagaal adag kala kulantay Ciidanka Puntland oo dib uga celiyay Degaanka.

Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag oo qiyaastii 50-KM dhanka bari ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Ciidanka Somaliland inkastoo Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ay dhinaca bari ka fadhiyaan.