Hot Topics

Jaaliyadda Reer Puntland oo Qaarada Yurub oo shir uga socdo Denmark+Sawirro

Magaalada Aarhus ee Dalka Denmark waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii Afaraad Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub(PEDAN) oo ay ku mideysan yihiin Ururadda iyo Jaaliyadaha Qurbo-joogta Puntland ee Yurub.

Shirka ayaa sanadkan waxa soo qaban qaabiyay Puntland Diaspora Forum Denmark(PDFD), waxaana marti-sharafta ka qeybgalaysa kamid ah Duqa Magaalada Aarhus ee Dalka Denmar Jacob Bundsgaard, Ergo ka kala socota 10 Wada oo ku yaal Qaarada Yurub, Wakiilka Dawladda Puntland ee qaarada Yurub, Wasiir ku-xigieenkii hore Warfaafinta Dowladda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Magaalada Aarhus.

Sidoo kale, Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Masuuliyiin iyo Ergooyin matalay Jaaliyaddaha Puntland ee Dalalka Yurub, sida Britain, Finland, Sweden, Norway, France, Germany, Ireland, Holland iyo Austeria.

Furitaankii Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah uga hadlay Duqa Magaalada Aarhus Jacob Bundsgaard, Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Denmar Mudane Cabdisalaan Askar, Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Yurub Mudane Xuseen Daahir Derbi, Wasiirkii ku xigeenkii hore ee Warfaafinta Dowladda Puntland mudane Cabdirisaaq Shiikh Aduun iyo Wakiilka Puntland u fadhiya Finland mudane Cabdifataax Janagale, iyagoona dhamaantood soo dhoweeyay Marti-sharafta , waxayna Hambalyo u direen Dalladda Pedan oo Afar sano jirsatay.