Hot Topics

Dowladda Japan oo Safiir cusub u soo Magacaawday Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan u qaabilsanaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ryoichi Horie.

Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay in uu ka soo dhalaalo howlaha loo igmaday si uu sare ugu qaado xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Dowladda Japan ayaa haatan waxaa ay u muuqataa inay xiriir la yeelaneyso Soomaaliya,waxaana dhawaan dalkaasi tegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isaga oo ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama.