Hot Topics

Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyadda aan saameynta laheyn oo shirsan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee KMG ah, ayaa haatan kulan ku leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Kulanka oo daba socda kii dhowaan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka, ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynaha iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, ay ka wada hadlaan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Xisbiga Wadajir  oo kamid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo  ayaa qaadacay kulanka ay lee yihiin maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka.

Sidoo kal waxaa ka mid aheyn kuwa ku jira Madasha Xisbiyadda Qaran oo horay ula kulmay Madaxweyne Farmaajo.