Hot Topics

Madasha Xisbiyada Qaran oo War kasoo saartay tacadiyada Ciidanka Itoobiya ee Gedo+Akhriso

War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay kaga hadleen dhibaato ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Saddex degmo oo katirsan gobolka Gedo,kuwaas oo kala ah,Doolow,Luuq iyo Beled Xaawo.

Qoraalka ayaa Madasha Xisbiyada waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay wadaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka kala ah  Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow.

Waxaa ay sidoo kale War-saxaafadeedkooda ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha la xiriira Jubbaland ee Gobolka Gedo kulankii ay la qaateen dhawaan,hayeeshee tani ay qeyb ka tahay in uu ka baxay qodobo kamid ah heshiiskii ay la galeen Madaxweynaha.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo Arrimaha Soomaaliya iyo muranka siyaasadeed oo u dhaxeeyay Soomaalid,isla markaana  ixtiraamto deris wanaagga.