Hot Topics

Golaha Ammaanka QM oo walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya (Warbixin)

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya kadib markii dhowaan ay warbixin ka dhageysteen Ergeyga gaarka ah James Swan,wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Fransisco Madeira, Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Ismaaciil iyo Cismaan Macalin oo ku hadlayay bulshada rayidka ah.

Dhagaysiga kadib ayuu Goluhu soo saaray warbixin uu ugu baaqay Dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada goboleedyada inay dib u bilaabaan wadahadallada si xal looga gaaro arrimaha taagan islamarkaana loo dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u adkeeyay in xal laga gaaro xaalada Jubbaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa  sidoo kale ku baaqay in horumar laga  gaaro dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Golaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, mugdi ku jirin, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah sanadka 2020 ama bilowga 2021ka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.