Hot Topics

Xayiraadii diyaaradaha Jubaland Oo iskeed u fashilantay

Kadib markay ogaatay Dowlada Fadaraalka dhawr arimood oo ku aadan duulimaadyadii diyaaradaha Jubaland ee ay xanibtay ayay go’aankeedii wax ka badashay.

1.Waxay yaqiinsatay in xanibaada diyaaradaha aysan waxba udhimin madaxda Jubaland.

2.Waxay garawsatay in shacabka Jubaland uu uga fogaaday dhibaataduna toos usaamaysay.

3.Waxay xog ku geshay in Jubaland diyaarad gaar ay uleedahay soo iibsatay.

4.Waxay la kulantay dhaleecaynta xoog badan oo uga timid caalamka iyo in aan awooda kale oo dheeriya gacanta loo galin doonin.

Qodobadaas iyadoo ka duulaysa Dowlada Fadaraalka waxay qaadatay go’aan ah in xayiraadii ay ka qaado diyaaradaha Jubaland usocda.

Dowlada Fadaraalku waxayrabtaa in ay isku muujiso mid shacabka uturtay oo utanaasushay balse xaqiiqdu waxay tahay in go’aankii xayiraadeed uu iskiis ufashilmay ,isla markaana uu keenay isku tashi Dowlada Jubaland ay ku dhaqaaqday.

Jibril Qoobey.