Hot Topics

Ilhaan Cumar Oo garab istaag umuujisay dadaalka dayn cafinta Somaliya

Ilhaan Cumar waxay si weyn garab istaag ugu muujisay dadaalada socda ee lagu raadinayo cafinta daynta Somaliya uu ku leeyahay Maraykanka.

Dayntaas,ayaa lagu qiyaasaa in ay cagacagaynayso ku dhawaad 5-Bilyan oo dolar.

Shuruuadaha ku wareegsan in Somaliya dayn laga cafiyo,ayaa waxaa ka mid ah..

“Midaynta Canshuuraha dalka oo idil,la dagaalanka musuqa iyo hagaajinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka”.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in Dowlada Somaliya ay kasoo dhalaasho oo ay waxkaqabato ilaalinta Xuquuqda Insaanka,Maamul Wanaaga iyo xasilooni siyaasadeed oo midaysan.

Ilhaan waxay warkeeda kusoo gabagabaysay in ay kasii shaqayn doonto sidii loo heli lahaa,Somaliya nabad ah,Dimuqraadi ah oo ka xorowday dhamaan caqabadaha horyaala.

Jibril Qoobey.