Hot Topics

Itoobiya Dayax-Gameed Hawada Udirtay

Haddii Saaka lagu guuleysto Satelite ETHIOPIA udireyso hawada sare ee lagu magacaabo ETRSS-01 Ethiopia waxay ka taqaluseysaa dhawr wax yaabood oo kala ah.

B.In dhulka muranku kala dhexeeyo Wadamada dariska la ah oo dhan Khidada ay u dajisey ayadu ay ku guuleysato,waxayna la socon doontaa dhaq dhaqaaqa Xadadka.

T.In ay ka faa’iideysato Biyeheeda iyo dhamaan macluumaadka Dhulka hoostiisa ku jira ee aysan ka war hayn hadda.

J.In shacabkeedu ay helaan isgaarsiin Waafi ah oo dhamaan qaybaha loo baahan yahay ka dhameystiran.

X.Gacan ku haynta xogaha Gobolka oo ayada marti looga noqon doono wax walba oo Gobolka ka socdana ay Khuburadoodu ururin doonaan mid midna ula socon doonaan goor walba iyo meel walba.

Satelite-ka xarubta laga maamuli doono waxay noqon doontaa meel uga aadan Magaladda ADDIS-ABABA ee Caasimadda wadan kaas, Qiyaas ahaana ujirta wax ka yar 800-KM oo jooga sare ah.

Wadanka shiinaha oo gacanta ku haya dirayana Dayax-gacmeedkan,balse maamulkiisa aan shaqo ku lahaan doonin,ayaa isha ku hayn doona mudana hagin doona.

Halka laga ganayo saakay,ayaa ah meel udhow caasinada Dalkaas ee Beyjiin,waxaana la filayaa in muddo ka yar 45-daqiiqo uu ku gaari doono halka loo qorsheeyay.

Qore:-Gallad Herze