Hot Topics

Miyuu Deni qayb ka ahaa dilkii Xirsi Aduunyo?

Wax la fahmi karo mahan sababta loogu sii hayo Wasaarada muhiimka ah ee Amniga Gallan.

Markii horaba khibrada amni ee ugu weyn ee loogu dhiibay Wasaarada amniga waxay ahayd dilkii uu dilay Ganacsade Xirsi Aduunyo.

Maleeshiyadii uu isagu hogaamin jiray ee ku dilay Xirsi Aduunyo,ayaa isbaaro dhigatay oo uusan waxba ka qaban karin.

Booliskii,ayaa dib uhabayn lagu bilaabay oo uusan waxba kala socon.

Daraawiishtii,ayaa dib uhabayn lagu wadaa oo uusan warba uhayn.

Qaraxyo iyo dilal isdaba joog ah,ayaa dhacay kuwana la fashiliyay.

Hal bil waxuu jooga Nayrobi isagoo dagan Hotel qaaliya,sababta uu ujoogana waxay tahay kormeer uu ku samaynayo ganacsi uga socda Uganda.

Dad badan waxay iswaydiinayaan Madaxweyne Deni ma waxuu raali ka ahaa dilkii Ganacsade Xirsi Aduunyo oo abaalgud,ayuu Wasaarada uga dhigay Gallan!!

Wasaarada Amnigu ka macno badan mid lagu ilaaliyo amniga Gallan!!.

Jibril Qoobey.