Hot Topics

Mudaaharaadyo xoog leh Oo Jigjiga ka socda

Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka muslimiinta ah ee ku dhaqan magaallada jigjiga,ayaa isugu soo baxay Wadooyinka halbowlaha ah ee Magaaladaaas.

Shacabka oo aad u caraysnaa waxa ay ku dhawaqayeen Takbiirta Alle waxayna wateen boorar.

Shacabku waxay si xamaasad leh dareenkooda umuujinayeen siday oga xun yihiin Falalki foosha xumaa ee ka dhacay Deegaanka Amxaarada ee lagu gubay 4-ta masaajid.