Hot Topics

Puntland: Waxaan dadaal ugu jirnaa in dib loo furo dhoofinta xoolaha ee Sacuudiga (VIDEO)

Waxaa dib uga bilowday dhowaan Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, dhoofinta xoolaha nool ee laga rarayo, kuwaas oo loo rarayo dekeddaha dalka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa muddo shan sano ka badan waxa ay hakad gelisay in xoolaha nool ee ka iman jiray Soomaaliya loo raro dalkeeda.

Agaasimaha guud ee Maxjarrada Puntland Cabdiraaq Maxamed Xasan, oo maanta booqday maxjarrada ku yaal magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ay dadaal u gashay dib u furitaanka xoolaha Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray inay dadaal ugu jirto Puntland furitaanka dhoofinta xoolaha ee Boqortooyadda Sacuudiga.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee Maxjarrada Puntland ugu baaqay ganacsatada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya inay ka faa’ideysataan.