Hot Topics

Wasiirka Waxbarashadda Puntland “Suurta gal maaha in Imtaxaan mid ah dalka ka dhaco” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa si adag uga jawaabay hadalkii Wasiirka Waxbarashada XFS C/llaahi Goodax Barre, isaga oo ku eedeeyay inuu iska indha tirayo heshiisyadii horey ay u galeen labada wasaaradood iyo Dastuurka KMG ah ee Dalka.

Wasiirka Waxbarashadda Puntland ayaa intaas ku daray “Suurta gal maaha in Imtaxaan mid ah dalka ka dhaco, wasaarada waxbarashadu maba oga waxaan ardayda u dhigno sidee Imtaxaan u qaadi kartaa ? ilaa manhaj midaysan la helo Imtaxaan midaysan ma dhici karo.”