Hot Topics

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Dhalinyarada Afmadow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Dhalinyarada ku nool Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii dhalinyarada looga caawin lahaa baahiyaha shaqo iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa.

Madaxweynaha ayaa dhalinyarada ka dhagaystay baahiyaha ku gadaaman dhalinyarada ku nool Degmada Afmadow waxaana uu ku amaanay in qaar kamid ah dhalinyarada Degmadan ay si iskood ah iskugu howleen sidii ay hormarka iyo dhismaha Degmada ay uga qayb qaadan lahayeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in sida ugu dhakhsiyaha badan ay Wasaaradaha kala duwan ee Arimaha dhalinyarada ka shaqeeya sida Wasaarada dhalinyarada Wasaarada Waxbarashada iyo kuwa kale ee bahwadaagta la ah ay u dardar galin lahayeen howlaha ay ka wadaan Degmada Afmadow.

kulankan waxaa kale oo ka qaybgalay bahda Waxbarashada kuwaas oo Madaxweynaha kala hadlay sidii Arimaha Waxbarashada Degmada loo fududayn lahaa isla markana waxyaabaha ay xaqa u leedahay ay ugu heli lahayd si joogto ah.