Hot Topics

B.Cawlyahan Cali iyo Daacish oo heshiis wada gaaray

Caawa shir,ayaa ka dhacay tuulada Canjeel ee Gobolka Bari.

Shirkan,ayaa udhexeeya beesha Cawlyan Cali Saleebaan iyo kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Shirka waxaa soo agaasimay Nabadoono beeshaas ah,iyadoo hadafkiisu ahaa laba qodob…

1.In kooxda Daacish ay beesha ka yarayso weerarada ay ku hayso.

2.In lacagta Sakawaadka ee kooxda Daacish laga khafiifiyo beesha Cawlyahan Cali Saleebaan.

3.In beeshu si joogta ah ubixiso Canshuurta kooxdaas.

Sida xoguhu sheegayaan dhamaan qodobadaas waa laysku afgartay,waxuuna Shirku kusoo gabagaboobay is afgarad.

Shirka dhanka Daacish,waxaa uga qaybgalay 14-xubnood oo ay ka mid ahaayeen..

1.Khasnajigi.hore ee Golis Bashiir.
2 Maxamed Khuurshe
3.Ina Faahiye
4.Macoow

Beesha Cawlyahan Cali Saleebaan waxay kala kulmaysay bilihii lasoo dhaafay weeraro joogta ah kooxda Daacish.

Mahan wax lala yaabo in beel ka mid ah beelaha Puntland ay heshiis la gasho kooxaha argagixisada ah maadaama Dowladu ilaa iyo hada ay wax la taaban karo ka qaban wayday kooxahaas.

Jibril Qoobey.