Hot Topics

Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay Aaska dadkii ku dhintay Daadadkii Qardho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa gaaray Degmada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, si uu ula qeybsado Bulshada Qardho xaaladda ay ku suganyihiin, u dhiirigeliyo Gurmadka socda.

Madaxweyne Deni ayaa hada wada kormeero uu ku indha indhaynayo khasaaraha iyo saameynta Roobka Biyaha watay, waxaana uu dadka ka dhegaystay warbixin ku aadan xaaladooda, isagoona sheegay in gurmad buuxa ay Dowladdu soo gaarsiinayso goor-dhiow magaalada Qardho.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay Aaska dadkii ku geeriyooday daadkii xalay kusoo rogmaday magaaladda Qardho, kuwaas oo gaaraya 6, kuwaas oo kala ah 3 Carruur, 1 Dumar ah iyo 2 Rag ah.