Hot Topics

Gaalkacyo: Howlgalada Ciidanka amniga oo durba la mahdiyay

Hawlgalkii amni xoojinta Mudug ee dhawaan la hawlgaliyay durba waxuu qabtay wax la taaban karo.

Ciidamada amaanka ee kala duwan waxay gacanta ku dhigeen ilaa 60-qof oo iskugu jira rayid iyo Ciidan,kuwaasoo loo soo qabtay tuhun argagixiso iyo falal kale oo amniga khatar ku ah.

Ciidamadu har iyo habeen waxay ku jiraan hawlgalo joogta ah oo ay amaanka ku adkaynayaan.

Waxaa la hawlgaliyay Taloofiinkii Heeganka oo daqiiqad walba laga jawaabayo.

Waxaa la hawlgaliyay 5-qaybood oo Ciidan heegan ah deg-deg-na uga jawaaba xogaha la helayo.

Ciidamadu waxay si qarsoon iyo si muuqata uga hawlgalaan dhamaan Masaajidyada,Hotelada iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee Gaalkacyo.

Dhawaan waxaa dhismihiisa la bilaayaa Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo,kaasoo noqon doona midka ugu casrisan uguna weyn guud ahaan Puntland.

Sidoo kale waxaa la hawlgalinayaa laba Saldhig Boolis oo cusub iyo xarunta Taliska qaybta oo dayactir balaaran lagu samaynayo.

Sida wax ku socdaan 3-bilood gudahood amaanka Mudug wax weyn,ayaa iska badali doona hadii eebe idmo.

Jibril Qoobey.