Hot Topics

Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ay ubadan tahay in Maxkamad lasoo taago

Sarkaal ka tirsan Daacish una Qabilsanaa lacag uruurinta magaalada Bosaaso,ayay laamaha amaanka Puntland gacanta ku dhigeen.

Sarkaalkaas la qabtay waxaa Taleefoonkiisa laga helay lacag gaaraysa 165,000 Dollar.

Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada,ahaana kuwii wax kasoo qabtay,ayaa Taleefoonkii ka qaaday Sarkaalkaas,waxayna la tageen Shirkada Golis si ay ugala baxaan Lacagta.

Damiin,ayaa lagu xiray waxayna la hadleen Gudoomiyaha Gobolka Abwaan oo ka aqbalay,iyagoo ubalan qaaday boqolkiiba Sodon in ay ka siinayaan lacagta,sida ay sheegeen Askarta.

Balse Shirkada Golis oo ka shakiday,ayaa la xiriirtay laamaha amaanka sidaa,ayaana gacanta loogu dhigay saraakiishaas hunguri xumaatay.

Saraakiisha khaladka ka gashay ee la qabtay,ayaa ka kala tirsan Ciidanka Badda PMBF iyo Kuliyada Carmo.

Magacyadooda,ayaa kala ah…..

1.Kabtan Ayaanle Faarax Jaamac.

2.Buruuj Xasan Cumar (Buruj Cayn)

Ilaa iyo hada Gudoomiyaha Gobolka Cabdisamad Abwaan lama soo gole joojin baarisna laguma samayn.

Jibril Qoobey.