Hot Topics

Ismari waa ka taagan halka lagu qabanayo Shirka wadatashiga

Ismari waa ka taagan halka lagu qabanayo shirka Golaha Amniga Qaranka ee uu Iclaamiyay Madaxweyne FARMAAJO.

Guddi Farsamo oo ka kala socda Madaxtooyadda Villa Somalia iyo Dowlad Gobaleedyada, kuna shirayay aalada Internet-ka ayaa ku guul-dareystay inay ku heshiiyeen halka lagu qabanayo shirka ay iskugu imaanayaan Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada.

Xubnaha Guddiga ku matalaya Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay iska diideen soo jeedin ka timid Villa Somalia oo aheyd inuu shirku ka dhaco mid kamid ah magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb, halka Xubnaha Villa Somalia ay diideen in Madaxda DFS ay tagaan magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Intaas kaddib, Xubnaha Beesha Caalamka oo cadaadinaya qobsoomida shirka kahor 25 bishan, ayaa soo jeediyay in shirka lagu qabto Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug, taas oo u dhigan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay degi doonaan Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka taliso Puntland, wallow aan si rasmi ah la isugu waafaqin.

Abdirashiid A. Warsame