Hot Topics

Maxaa kalifay in sadexda masuul ee Dalka ugu saraysaa halmar wada dhoofaan?

W/Q: Senator Ilyas Ali Hassan, oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BFS.

In 3 sedaxdii dalka ugu sareysey ay wada dhoofaan ma midnimo raadin baa mise waa kalsooni daro oo Madaxweynaha ayaa ka baqey in gadaashiisa go’aano laqaato maadama ay taagantahay xaaladu siyaasadeed gudaha ah!

  1. Madaxweyne hadii Midnimo raadinta dhab kaa tahay waxaa kaa sugeynaa wax kaweyn magacaabida gudiyadii awalba dhisnaa ee adigu kala burisey.
  2. Wada hadalada Somaliland oo aad soo afjarto xitaa hadii ay kugu khasbeyso inaad ugu tanaasusho kursigaaga Madaxweynenimo.
  3. Inaad go’aanka natiijada aad wada gaartaan aad usoo bandhigto Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ee aadan la aamusin sidii hore aad uyeeli jirtey.