Hot Topics

Villa Somaliya ma go’aamin kartaa mudo xileedka Madaxweynaha Jubaland?

Dastuurka Jubaland iyo kan Fadaraalka,ayaa lagu doortay ee wareegto kuma imaan Madaxweyne Axmed Madoobe.

In madaxnimadiisu sharci tahay iyo in aysan ahayn waa wax ku xiran Dastuurka Jubaland iyo kan Fadaraalka ah.

Villa Somaliya mudo xileed masiin karto umana xadidi karto inta uu kursiga sii fadhiyi karo Axmed Madoobe.

Farmaajo amarka Maraykanka ee cad,isagoo fulinaya,ayuu hadana isku dayayaa in uu wax khaldo.

Madaxtinimada Jubaland gorgortan kuma jirto Farmaajo waxba kuma kordhin karo kamana dhimi karo.

Waxa kaliya ee laga rabay Farmaajo waxay ahayd in uu aqbalo Doorashadii Jubaland,isla markaana hor fariisto taasina way dhacaysaa,iyadoon gorgortan lahayn.

Sida aan xogta ku helay Jubaland waxay soo saari doontaa jawaab Dastuuriya oo ku aadan hadalka kasoo baxay Villa Somaliya.

Jibril Qoobey.