Hot Topics

AQALKA SARE OO WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGAY 4-TII XEER EE GOLAHA SHACABKU ANSIXIYEEN!!

AQALKA SARE OO WAXBA KAMA JIRAAN KA DHIGAY 4TII XEER EE GOLAHA SHACABKU ANSIXIYEEN!!

Qoraal ka soo baxay Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ayuu ku difaacay kaalinta xoogan ee uu ku leeyahay ansixinta sharciyada, waxayna qoraalka ku qaateen Qodobka 61aad (3) oo cadadaynaysa inuu Aqalka Sare matalo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Qodobka 71aad ayaa isna caddaynaya mas’uuliyadda Aqalka Sare oo ay ka mid tahay wax-ka-bedelka Dastuurka, Ansixinta wax-ka-bedelka iyo diidmada sharciyada la horkeeno, Ka-qayb-qaadashada doorashada iyo Xil-ka-qaadiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Ka qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal, iyo kuwa kale.

Aqalka Sare ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen qoraalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo sheegay in qoraalkaas uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG.

Sidoo kale Aqalka Sare ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal, haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka, sidoo kalena ugu baaqay Guddiga doorashooyinka inta laga saxaayo aysan xeerarkaas u isticmaali karin doorashada Qaranka.