Hot Topics

Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Waare iyo Safiirada Beesha Caalamka ?

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Waare, ayaa Shir khadka internet-ka ah la yeeshay Safiirada Soomaaliya u jooga US, UK, EU, iyo UN.

Madaxweyne Waare iyo Safiirada ayaa ka wada-hadlay Xaaladaha Wadanka gaar ahaan hanaanka geedi-socodka Doorashooyinka Dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa natiikooyinka shirarkii Dhuusamareeb, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle.