Hot Topics

Muxuu ku salaysnaa kulankii Pl iyo Maraykanka?

Kulanka Maraykanka iyo Puntland,ayaa ku salaysnaa dhawr arimood oo ay ugu waa weynaayeen Amniga iyo siyaasada.

Maraykanku waxuu Saldhig balaaran ka samaysanayaa Puntland dhawaan,kaasoo wada xaajoodkiisu waayahan soo socday.

Sidoo kale Maraykanku waxuu hoos udhigay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Ciidamada Somalida ee uu taageero.

PSF oo ka mid ah Ciidamada Maraykanku taageero,ayay saamaysay dhaqaali dhimistaas,waxaana Puntland ka baxaysa Shirkadii dhaqaalaha loosoo marsiin jiray ee gacanta ku haysay.

Sida xoguhu sheegayaan Maraykanku xiligan waxuu dhaqaale uhayaa Ciidanka Danab ee ka hawlgala bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Puntland way iska diiday in Ciidankeedu ku mushahaar qaato Magaca Danab oo loosoo jeediyay.

Wada xaajood dhawr jeer dhacay waxay ku dhowdahay in Maraykanku sii wado taageerada Ciidanka PSF si gaar ah.