Hot Topics

Rooble oo magaacabaya Khabiir gaar ah

Ra’isalwasaare Rooble oo sheegay in uu magacaabayo Khabiir ugaar ah tacadiya lagula kaco Haweenka iyo Caruurta.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Magacaabista Khabiirkan,ayaa muhiim u ah la dagaalanka Kufsiga oo guud ahaan Somaliya dhibaato weyn ku haya.

Jibril Qoobey.