Hot Topics

Madaxweynaha Uganda oo Soomaalida kula taliyay in ay qabiilka ka guuraan!

Madaxweynaha waqtiga dheer ka arimiya Uganda, Yoweri Museveni, ayaa is-barbar-dhig wuxuu u sameeyay waddankiisa iyo Soomaaliya oo ay ka joogaan ciidamo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Hadalkaan ayaa yimid ka kadib kulan uu Madaxtooyadda Kampala kula qaatay marwada koowaad ee Soomaaliya, Saynab Cabdi Macalin, iyo wafdi ay horkaceyso oo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu ku jiro.

Sidda uu qoray bogga Chimp Reports, socdaalka wafdigaan ayaa daaran ka qeybgalka xaflad Khamiista maanta ah lagu daafurayo warshad sonkorta sameysay oo ay Uganda ka hirgelisay haweenay ganacsato Soomaali ah.

“Markii Dhaqdhaqaaqa Iska-caabinta Qaranka uu xukunnka qabsaday 1986-dii, dalka [Uganda] wuxuu u kala qeybsamay diin ahaan iyo qabiil ahaan. Soomaaliya way ka mideysan tahay dhanka diinta, balse waxay ku kala tagtay dhanka qabiilka. Aan wada eegno danaha guud ee u wanaagsan dadkeena. Shirkadan waxay xoojin doontaan ganacsiga iyo horumarka labadeena qaran,” ayuu yiri Musaveni

Uganda ayaa waxaa degan Soomaali badan oo isugu jirta qaar u tagay dano waxbarasho iyo shaqo, kuwa qaxooti ku ah iyo tirro kale oo ku sugaya fursad ay uga sii gudbaan dibadda, inkastoo Yoweri Museveni 67 jir ah ay ka soo yeereen hadalo gaf ku ah sharafta Dowlad-nimadda Soomaaliya.