Hot Topics

Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo guddoomiyey Shir looga hadlayo Amniga Mudug (VIDEO)

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay Iskaashiga dhinacyada Amniga iyo Ganacsiga Puntland iyo Galmudug.

Shirkan oo ka qabsoomay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Taliyaasha Ciidanka Booliska Gobalka ee Labada dhinac iyo Maayarada degmada Gaalkacyo.

Shirka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray xoojinta Amniga, iyo sidii si wadajir la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo ka hortaga dilalka ka dhaca miyiga. sidoo kale shirka ayaa looga hadlay sidii Maamulka Gobalka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada Sicir-bararka iyo kor u kaca sarifka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, oo kulan kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u ahaa xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo ganacsiga ee Puntland iyo Galmudug, isagoona ugu baaqay shacabka gobalka Mudug la shaqeynta Hay’adaha amniga si looga guuleysto Argagixisada iyo kuwa kali ee halista ku ah Nabadda.