Hot Topics

Ukala dabqaadidii Swan Ee Madaxda Somalida oo in ay guulaysato ku dhow

Si hoose ayay uguulaysatay ukala dabqaadidii madaxda Somalida ee Swan..

1.Gudiga Xildhibaanada Waqooyi maamulaya doorashadooda waa 12-xubnood 4-waxaa horay uhaystay Cabdixaashi,waxaa hada loogu darayaa Xabad kale.

2.Gedo waxaa doorashadeeda maamulaya Wasiir Jubaland ka socda,waxaana lagu dhawaaqi doonaa dib uheshiisiin,balse Gudoomiye Gobol JL masoo diri doonto.

3.Xubnaha Gudiyada doorashada ku jira ee ka tirsan Nisa iyo Villa Somaliya waa la badalayaa,sidoo kale kuwa Pl iyo Jl xubnaa laga saarayaa.

Is afgaradka kadib waxaa laysla qaadaa dhigay goobta kulanku ku qabsoomayo,Garowe,ayaa lasoo jeediyay,waxaa diiday Farmaajo,Baydhabo waxaa diiday Axmed Madoobe ugu danbayn Xamar,ayaa laysku raacay.

Xiliga kulanku qabsoomayo weli layskuma raacin.

Beesha caalamku waxay ka hor dhacaysaa 8-da Feb in aan heshiis la’aan lagu gaarin.

Jibril Qoobey.