Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee howlgalada Ciidanka Puntland ee Buuraleyda Bari (Sawirro)

Ciidamada PMPF iyo PSF Dowladda Puntland ayaa maalintii afaraad howlgallo Kooxaha Argagixisada ah Al-Shabaab iyo Daacish ka wada Buuraleyda Gobalka Bari.

Ciidanka oo Lugeynaya ayaa saacadihii ugu dambeeyay howlgallo ka sameeyay Togagga Marajiifle, Gaaca iyo deegaamo kale oo kuteedsan togaggaasi, iyagoo u si gudbaya Buuraha durugsan oo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Argagixisada ah.

Howlgalkan oo ah mid balaaran ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, kaddib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaaday jimcihii xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Saraakiisha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan, si loo soo afjaro kooxaha Argagixisada ah ee kusoo duulay Nabadda iyo Hormarkooda.