Hot Topics

HRW oo eedeymo kulul u jeedisay Milateriga Masar

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Human right Watch ayaa sheegtay in burburinta milateriga dalka Masar ay burburiyeen inkabadan 12 kun oo guri oo ku yaala gobolka Sinai tan iyo sanadkii 2013 ay ka dhigan tahay dembi dagaal.

Hey’addan ayaa sidookale sheegtay in ciidamada Masar ay dab qabadsiiyeen, ayna xireen ku dhawaad 15 kun oo hektar oo dhul beereed ah, waxayna sababta ku sheegeen olole ka dhan dhulka ay ku sugan yiiin kooxaha jihaad doonka ah ee ka dagaalama gobolkaas.

“Intii ud haxeysa dhammaadka 2013 ilaa Luulyo sanadkii 2020, milateriga Masar waxay burburiyeen 12,350 oo dhsimo, kuwaas oo ay ugu dambeysay kuwa lagu burburiyay agagaarka al-Arish area,” ayaa lagu sheegay warbixinta HRW.

Amni darrida ka jirta gobolkaas ayaa ahayd mid taagan muddo ka badan 10 sano, haseyeeshee waxay kasii dartay markii xilka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Mursi, sanadkii 2013-ka.