Hot Topics

Beesha Caalamka oo go’aan ka sugaysa Madaxda D/gobaleedyada

Beesha Caalamka oo kulan saacado socday la qaatay Madaxda Dowlad-Goboleeyda Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle waxa ay kala hadashay qorshaha ugu fudud ee looga tallaabi karo xargaha siyaasadeed ee hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka dhinacyadii ku heshiiyay 17-kii September 2020 ay isla jiheen waayeen.

Madax-Goboleedyada ayaa loo dhiibay Shaqo guri oo la micno ah in ay kasoo fakiraan sida ay la tahay in looga gudbi karo culeyska jira ayaa laga sugayaa in berri oo Sabti ah 27-ka Maarso 2021 dib ugu celiyaan Beesha Caalamka si loo madliyo fadhiga guud ee hoggaamiyaha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa gacanta ku heysa heshiiska 17-kii September  2020, ansixinta labada Gole ee Baarlamaanka, iyadoo doonaysa in heshiiskaas uu noqdo salka hanaanka doorashada.

Villa Somalia ayaa u xusulduubeysa in ay gacanta kusii heyso Madax Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo ay u aragto hubka keliya ay u adeegsan karto Jubbaland & Puntland oo diidan damaceeda.