Hot Topics

Wasiirka Maaliyadda Puntland “Dadku waxay lee yihiin maxaa Xasan Shire faraha u galiyay Ciidanka” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland oo wareysi siiyay Barnaamijka ‘Madasha Haldoorka’ ee Idilnews ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin Dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, Hanaanka dhaqaale, qiimo dhicii dhawaan ku yimid Lacagta Shilin Soomaaliga iyo saameynta dhaqaale ee Puntland uu ku yeeshay cudurka COVID-19.

Wasiir Xasan Shire ayaa sheegay in su’aalo badan ay dadka Puntland ka keeneen sababta hoggaanka looga dhigay Guddiga Dib-u-habeynta Ciidammada Puntland, balse taas ay tahay Awood Madaxweyne oo digreeto kusoo baxday.

“Dadku waxay lee yihiin maxaa Xasan Shire faraha u galiyay Ciidammada, aaway Wasiirka Amniga, balse waxaysan ogsooneyn in wareegto Madaxweyne laygu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga dib-u-habeynta Ciidammada”, ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal.