Hot Topics

Puntland oo ugu baaqday Farmaajo inuu yimaado wada-hadalada Afisyooni

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu kusoo laabto miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, oo Arbacadii isaga cararay, kaddib markii looga adkaaday dooda.

Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay weli diyaar u yihiin inuu sii socda Shirka Horudhaca ah ee Teendhada Afisyooni, isagoona ugu baaqay Farmaajo inuu soo xaadiro Wada-hadalka.