Hot Topics

Sheekh Shariif “Hadii hub iyo Ciidan wax lagu helayo, Farmaajo kuwo ka xoog weyn baa Muqdisho..”

Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si adag u cambaareeyay weeraradii Ciidan ka amar qaata Farmaajo ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hoos ka Akhriso qoraalka Shariif Sheekh Axmed.

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah  ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.

Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan  iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.

Waxaan  ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday inuu joojiyo dhiigga daadanaya iyo qalalaasaha uu ka wado caasimadda, Dalkana uusan u horseedin burbur iyo qaran jab, xalkuna wuxuu jiraa in dalku doorasho aado.

Soomaaliya xal aan ahayn wadahadal iyo isqancin xilligan wax aan ahayn kama furna, haddii ciidan iyo dagaal ooganimo wax lagu helayo kuwa isaga ka xoog iyo hub badnaa ayay dadka Muqdisho barqad cad iska xureeyeen.

Shacabka Soomaaliyeed na waxaan ugu baaqaayaa in ay loo wada istaago sidii dalkaan looga badbaadin lahaa in uu dib ugu laabto meeshii adkeyd ee laga keneey, oo si wadajir ah loga hortago khatarta taliska xilligiisu dhamaadey.