Hot Topics

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Muqdisho iyo barakac ka socda degmooyin qaar

Ciidankii mucaaradka ee daganaa aagga Cabdiqaasim iyo nawaaxiga KM4 ayaa xalay saqdii dhexe ka guuray aagaas, waxeyna dageen xaafadda Siigaale ee degmada Howlwadaag, iyadoo halkaas ay hore u daganaayeen ciidan kale oo ka tirsan mucaaradka.

Xaafadaha Dabka, Siigaale, Bakaaraha, xarunta degmada Howlwadaag iyo goobo kale oo ka tirsan degmadaas ayey joogaan ciidanka mucaaradka waxaana halkaas ka barakacaya dhamaan dadkii daganaa.

Ciidanka ka guuray aagga Cabdiqaasim waxaa hogaaminaya taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir Janaraal Saadaq Joon iyo Janaraal Indhacade, waxayna gaashaanbuur la sameesteen ciidan kale oo uu hogaamiye taliyihii hore ee DANAB Ismaaciil Cabdimaalik, kuwaas oo maalmahan ku sugnaa aagga dabka.

Dhinaca kale, ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay dhagxaan ku jiray wadada ka baxda Daljirka Dahsoon ee aada dhinaca degmada Boondheere iyo midda aada dhinaca Xamar weyne lamana oga sababta ka dambeysa.

Xaaladda Muqdisho ayaa xiligaan dagan, inkastoo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda iyo Barakac xoog leh oo ka socda degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere.